6 December 2012

Guur ama Gaabsi

Waa sheeko dhexmartay gabar soomaali ah oo kukortay qurbaha gaar ahaan Britain iyo wiil aan wali meelna uga kabixin wadanka somaliya oo asna soomaali ah. Gabadha waxaa dhaqancelin loo geeyay muqdisho si ay ulaqabsato ana u barato dhaqanka iyo afka soomaaliga ah oo ku adkaa. Mudo yar kadib waxey isbarteen wiil kadibna ey sheeko jaceyl dhex martay wiilkii ayaa u soo jeediyay iney isguursadaan dhowr marna kucelceliyay iney ka ogalaato guurka hase ahaatee gabadhii ayaa kadiiday kuna tiri "aniga guur marabo" wiilkii oo kaxun hadalkaas kuna wareersan diidmada guurka ayaa ku yiri "waayahaye ma gaabsibaad rabtaa hadaad diiday guurka" gabadhii oon fahansaneyn gaabsiga wuxuu yahay ayaa ku jawaabtay "haa kaasaan rabaa" wiilkii oo yaaban ayaa kuceliyay sey tiri "guur marabo kakalaan rabaa" wiilka ayaa ugu jawaabay waayahay soo diyaar garow caawa iyo hotel hebel. Markuu tagay ayey wareysatay asxaab kale oo loo fasiray Gaabsi waxa uu yahay wey yaabtay oo waxey tiri sidaas hadaan moodayo guurkaan ka ogalaan lahaa wiilka. hadaba qurbajoogtu ha baraan ubadkooda afkeena hooyo asagaa lama huraan ehe. By weyrah

2 comments: